MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga rug cadaaga ah iyo Ganacsadaha Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa difaacy  reer tolkiis gaar ahaan qoysaska degan dhismaha xaruntii Dam-damiska ee ka soo horjeeda Day-Biyaano.

Dowlada Somali ayaa Amartay in dhulkaasi la baneeyo waxaana ka dhashay buuq badan iyadoo shacabka degani kala hor yimaadeen Booliiska banaan-baxyo tabshada wata.

Advertisement

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo arintaan la hadlaayay ayaa si toos ah u difaacay reer tolliis inkastoo uu soo qaadanayo qodobo sharci ah mararka qaar.

Xaaf wuxuu sheegay in Hadii Dowladu dhul ay leedahay ka saareyso shacab ay tahay inay warqad kala timaado maxkamad.

“Dowlad-nimo hadii la rabo waa in sharci la maraa,marka qof guri laga kicinaayo waa maxkamadi soo amarraa”ayuu yiri

Mar uu ka hadlaayay qorshaha Dowlada Ed ah shacabkaasi meesha ka baxaaan ama laga saarayo hadey diidaam ayuu sheega ineysan shaqeyneyn arintaasi.

“Ma shaqeyneyso in wiil shalay soo orday uu kataraniil dul mariyo dad 30 meel degaganaa” ayuu mar kale yiri.

Hadalaea Xaaf halkaan ka daawo muuqaal uu baahiyay Tv-ga Qaranka:-

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleGoormuu Abwaan Nageeye ku biiray Alshabaab
Next articleShirkii Wasiirada oo maanta lagu ansixiyay 10 Safiir+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here