NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka imaanaya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in halkaasi ay isugu tageen labada Madaxweyne ee Maamulada Puntland iyo Jubaland Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Labada Masuul waxaa la soo sheegayaa inay kulan gaar ah halkaasi ku yeelan doonan xili wali aysan heshiis sax ah ka gaarin khilaaf hore uga dhexeeyay oo ka soo bilowday doorashadii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh sanadkii 2022-kii.
Warar kale ayaa sheegaya inay ka wada hadli doonaan kulanka lagu dhex dhexaadinayo labadooda iyo Dowlada Somalia taasoo ay gar wadeen ka tahay Dowlada Carbeed ee Imaaraadka Carabta xili kulan hore uga dhacay Dubai ay masuuliyiinta Imaaraadku halkaasi kula kulmeen labadaan masuul markaasoo la aamisan yahay inay ahayd markii lagu qancinayay inay Xassan la heshiiyaan.
Dhawaan ayaa la shaaciyay in kulanka Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe loo balansan yahay inuu ka dhaco Magaalada Kismaayo ee Xarunta Dowlad Goboleedka Jubaland inkastoo aan la ogeyn inuu jiro kulan ay wada-jir isugu iman doonaan Labada Maamul iyo Madaxweyne Xasan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
