HomeWarkiiAxmed Madoobe iyo Saciid Deni oo lagu wado inay wartiyeed isla soo...

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo lagu wado inay wartiyeed isla soo saaraan.

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Garowe ayaa la soo lagu wadaa inuu beri dib ugu laabto Magaalada Kismaayo oo ah xarunta Maamulkiisa Jubaland kadib markii uu u dhamaaday qorshihii iyo kulamadii uu Garowe kula yeeshay dhigiisa Punland Saciid Deni.

Labada Madaxweyne Maamul Goboleed waxaa la soo sheegayaa inay yeesheen kullao gaar ah iyo kuwo lala joogay iyadoo waruayayaashu soo sheegayaan inaan cidina war ka heyn kulamada qaaska ah waxay u wada hadleen.

Inta la ogyaha labada masuul ayaa mucaarad ku wada ah Dowlada uu hogaamiyo Madaxweynaha Qaranka Xassan Sheekh iyagoo isku qabta arimaha dhowr ah sida dastuurka iyo habka doorashooyinka.
Labada masuul waxaa lagu wadaa inay maanta isla soo saaraan warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin kaasoo ay kaga hadlayaan waxa ka soo baxay isu imaadkooda gaar ahaan qodobada ay isla soo qaadeen iyo mowqikooda dhanka Dowlada oo la filayo inay eedeymo u jeediyay.
Dhanka kale waxaa lagu wadaa inay kaga hadlaan war murtiyeedkooda ama uga jawaabaan dalabka Madaxweyne Xassan uu u jeediyay dhamaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan inay wada hadal isugu imaacaan si xal ay ugu raadshaan waxa ay isku hayaan waxaana macquul ah inay shuruud ku xiraan siyaasiyiinta mucaaradka samatabixinta iyo Farmaajo inkastoo samatabixinta ay aqbaleen la kulanka madaxweynaha.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -