HomeWarkiiAxmed Madoobe iyo Saciid Denio oo diidan in gogosha Dowladu dhigtay Madaxyooda...

Axmed Madoobe iyo Saciid Denio oo diidan in gogosha Dowladu dhigtay Madaxyooda ay noqoto

May be an image of one or more people, dais and textMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddiyadii Farsamada ee kala matalayey Golaha Mustaqabalka Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale maanta oo Khamiis ah ku balansan kulan kale oo daba socda kii shalay ay yeesheen madaama ay meel wanaagsan u mareyso wada-xaajoodyadooda lagu diyaarinayo kulanka guud ee Dowlada iyo mucaaradka oo 1-da Bisha Febraayo ka dhici doona Magaalada Muqdisho.

Kulanka shalay ay yeesheen guddiga labaa dhinac ayaa ah kii ugu horeeyay waxaana ka soo baxay warar wanaagsan iyo bilowga is isfahan laga dareemat kulanka iyo qodobada laga hadlay walow meelaha qaarna ay u muuqdaan kuwo adag oo hadii labada dhinac mid haduusan tanaasulin fashil u keeni karta shirka Dowlada iyo Mucaaradka.

Qodobka ugu adag oo maanta lagu wado in dood adag laga yeesho ayaa ah rabitaanka mucaaradka Golaha Mustaqbalka oo ah in gogosha la dhigo Xalane halkaas oo shisheeyuhu degan yihiin islamarkaana mucaaradku aaminsan yihiin inay tahay meel dhex dhexaad u ah labada dhinac halka Dowladuna aad u adag tahay inay aqbasho iyadoo amniga Xamar wanaagsan yahay in dad Soomaliyeed oo dhexdooda wada hadlaya in shisheeyaha xamar degan lala galo.

Kulanka maanta Gudiyada ay leeyihiin hadii ay si buuxda isugu racaan qodobada miiska u saaran waxaa ku xigi doona kulanka guud ee u  dhexeeya Mucaaradka  kaasoo dhici doona 3 maalin kadib insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, dais and newsroomMay be an image of one or more people, newsroom, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -