NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee aan aqoonsiga ka heysan Dowlada Somalia Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya wuxuu ka wadaa kulamo siyaasadeed oo joogto ah.
Kulamada siyaasadeed ayaa ugu badan kuwo ka dhan ah Dowlada Somalia madaama uu khilaaf weyn kala dhaxeeyo inkastoo dhanka kalana ay jirto dhex dhexaadin Dowlada kenya ka dhexwado labada dhinac.
Sidoo kale shalay wuxuu Naiorobi kula kulmay Hay’ado caalami ah sida Bangiga Aduunka gaar ahaana Madaxa mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee bariga iyo koonfurta Afrika , Binyam Reja waxay isla soo qaadeen dardar galinta mashaariicda Bangidu ka fuliyo Kismaayo, Af-madow iyo Dhoobley.
Waxyaabaha Axmed Madoobe ka;la hadlay bangiga waxaa ka mida dhismaya wadooyinka muhiim u ah reer Jubaland, dayactirka buundooyinka ku burburey Gobolka Geddo sida Baardheere iyo dhismayaasha garoomo diyaaradeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
