Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay natiijo la’aanta uu ku dhamaaday shirkii maalmahan socday, waxaana mas’uuliyadda burburka ku yimid wada hadaladaas uu dusha uga tuuray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay sababihii dhaliyay in natiijo la’aan uu ku dhamaado shirkii Dhuusamareeb waxana uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu sabab u ahaa natiijo la’aanta.

“Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, anaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo anaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara maaha, waa Nasiib darro”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaki geliyay in dalka Soomaaliya uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

“Farmaajo afar sano wadankaan aan arkay isagu ma maamuleen ee yaa maamulayay, waxaan diyaar u ah wax kasto xal lagu heli karo, waxaan ka xumahay dagaalka ka socdo gobolka Gedo.”ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee uu goor dhow ku qabtay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku laabanayo Kismaayo uuna ka hadli doono siyaasadda dalka marka uu tago Kismaayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here