Waxaa banaanka yimid oo heer wanaagsan soo gaaray dhex dhexaadintii Dowlada Kenya ka dhex waday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Maamulka Jubaland madax u ah kadib markii Xassan Sheekh oo wareysi siiyay Tv-ga Alcarabiya uu cadeeyay arintaasi.
Axmed Madoobe oo marar badan Kenya looga yeeray bilihii ugu danbeeyay ku sugnaa ayaa warar hoose waxay sheegayaan inuu isagu wato qorshaha Dowlada uu kula heshiinaayo xili uu ciyaarayo siyaasad uu ku doonayo inuu burburiyo qorshaha Dowlada ay Jubaland-ta cusub kaga dhiseyso Garbahaareey.
Axmed Madoobe oo milteri ahaan looga adkaaday Gobolka Geddo ayaa doonaya inuu isku helo heshiis uu Dowlada la galo isagoo wali madaxweyne ka sii ah Jubaland iyo inuu meesha ka saarayo qorshaha Dowlada ee Gobolka Geddo madaama ay isaga dhibaato ku tahay mustaqbalka jiritaankiisa.
Madaxweyne Xassan oo ah siyaasi is rog rog badan ma u badna in la marsiinsan karo labada qorshe ee Axmed Madoobe wato, dabcan Xassan wuxuu u ogolyahay inuu ka tanaasulo qorshihiisa Geddo waxaase uu ku badalanayaa in Axmed Madoobe aqbalo doorasho loo siman yahay si reer Jubaland usoo doortaan cidii ay doonaan walibanaa Ra’iisulwasaare Xamza iyo Madaxweyne Xassan waxay doonayaan inay meesha ka saaraan Axmed Madoobe si fudud.
Axmed Madoobe isna wuxuu aad ugu dadaalayaa isagoo kaashanaya Kenya inuu sii joogo Jubaland , si uu taas ku gaarana wuxuu rabaa inuu inta ka dhiman muda xileedka Xasan iyo Xamze uu ku madadaaliyo odayaasha Dowlada heshiiskaan Kenya hormuudka ka tahay si uu intaasi meesha uga saaro qorshaha Xamza iyo Xassan balse su’aasha ayaa ah Ma xasan iyo Xamza si fudud ku saari doona Axmed Madoobe inta muda xileedkooda ka harsan mise Axmed Madoobe ayaa meesha ka saari doona walwalka ka haya qorashaha Geddo.
Dhanka kale waxaa iyana dhici karta in labada dhinacba damacooda gaari waayaan islamarkaana uu ku fashilmo dhex dhexaadinta sidaas dib loogu laabto hhardankii Gobolka Geddo iyo nin walbow tabartaa
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
![]()
