Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidamada Dowladda Mareykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee ka howlgala Jubaland.
Madaxweynaha ayaa ciidamada Mareykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka iyo howlgalka la dagaallanka Khawaariijta iyo kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaariijta, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo Jubaland ka tirsan.
Madaxweynaha ayaa ciidamada Mareykanka ku ammaanay geesinimada iyo wada shaqeynta ay muujiyeen, wuxuuna si rasmi ah u gudoonsiiyay Bilad Sharaf iyo Shahaado Mahadcelin isagoo uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah ee tageerada dhinacyada badan ee Amniga Soomaaliya.












