HomeWarkiiAxmed Madoobe muxuu kala hadlay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM+SAWIRRO

Axmed Madoobe muxuu kala hadlay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM+SAWIRRO

No photo description available.Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Khawaarijta, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.

Taliyaha ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta lagana gaaray guulo wax ku ool ah.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Yusuf Xuseen Cismaan.May be an image of one or more peopleNo photo description available.No photo description available.May be an image of dais and textNo photo description available.No photo description available.No photo description available.May be an image of textMay be an image of daisNo photo description available.
RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -