Kadib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland laguna caleema saarayay Madaxweynana Saciid Danj ayaa laga waayay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Madaama lagu wada casuumay madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn ah muxuu uga baaqday miyaan la casuumin iyo su’aalo kale.

Advertisement

Wararka qaar oo loo batay ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya Saciid Dani iyo Axmed Madoobe inkastoo aan faah faahin laga bixin hadana waxay u badan tahay dhanka xilka Ra”iisulwasaaraha Xamze in la isku qabtay walow kadib ay shir iskala qeybgaleen.

Labadooda midkoodna ma cadeyn xurgufta u dhexeysa inta ay gaarsiisan tahay iyo asal ahaan waxa ay isu hayaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYBIILE.CLM

Previous articleDuqa Muqdisho oo Magaalada Baqdaad kula kulmay dhigiisa+SAWIRRO
Next articleDanni oo xalay casuumay saaxiibadiisa Siyaasada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here