BADHAADHE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan Tiknikada ayaa la soo shaeegayaa inay maanta ka soo dhaqaaqeen Deegaanka xeebeedka Kudhaa ee hoos taga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose iyagoona ku soo jeeda Gobolka Geddo oo dhawaan Dowlada Somalia dooneyso inay ka dhisto maamul cusub oo Jubaland ay yeelato kaasoo ka dhan ah Axmed Madoobe.
Ciidamadaan lama oga waqtiga ay ku qaadan doonto inay Gedo ku gaaraan balse warar maanta soo baxay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe u soo direy ciidamadaasi inay xoojiyaan kuwa ka joga Gobolka Gedo xili uu u diyaar garoobayo inuu ka hor tago maamulka cusub ee Dowladu rabto inay ka dhisto Gobolka Geddo.
Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in ciidamadaani dhanka xuduuda labada Gobol ka gudbeen islamarkaana Degmada Luuq ay ku wajahan yihiin si ay ugu biiraan ciidamo kale oo halkaasi hore ugu sugnaa , Degmada Luuq waxay xiririisa Somalia,Kenya iyo Itoobiya.
Xiisad dagaal ayaa laga soo sheegayaa Gobolka Gedo xili Dowladuna isu diyaarineyso dhismaha maamulka cusub ee Jubaland kaasoo xaruntiisu noqon doonto Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAS
DAYNIILE.COM
