HomeWarkiiAxmed Madoobe oo Dowlada ku tilmaamay shirkad gaar loo leeyahay ,kana hadlay...

Axmed Madoobe oo Dowlada ku tilmaamay shirkad gaar loo leeyahay ,kana hadlay mowqifkiisa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

KMay be an image of dais and textISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khud-bad uu ka jeediyay furitaankiisa maanta ee kalfadhiga Baarklamaanka Jubaland wuxuu si rasmi ah uga hadlay mowqifkiisa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Axmed Madoobe wuxuu cadeeyay in Jubaland mar kasta ka soo horjeedo cid kasta oo midnimada iyo Somalia wax u dhimeysa ,wuxuu Maamulka Somaliland u sheegay in halka ay wax u raadiyeen aysan waxba ka jirin.

“Somaliland halka aad wax ka raadinaysaan idinkama jiro, xalkiinu waxa uu yaala Soomaalida dhexdeeda” Madaxweynaha Jubaland”ayuu yiri Axmed Madoobe

Sidoo kale Dowlada ayuu si weyn ugu eedeeyay inay madax ka yihiin kuwo u shaqeeya sida shirkad gaar loo leeyahay oo kale.

“Madaxda Dowladu waaba koox qowlaysato ah, oo shirkad ah, Majiri doono hadal dambe oo diblomaasiyad ah, waxaan qaadan doonaa go’aano ad-adag oo dalka lagu badbaadinayo hadii madaxweyne Xasan 20-ka bishaan qaban waayo shirkii aan ugu baaqnay”. ayuu yiri  Axmed Maxamed Islaam

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -