Axmed Madoobe oo gaaray Boosaaso iyo shir halkaasi uga furmaya Madoobe,Deni iyo Xaaf

Madaxwaynaha Dowlad-Gobole0edka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta Khamiis ah gaaray magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay inuu halkaasi u tagay wadatashi uu la yeesho madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ku wajahan arrimaha faderaalka.

Axmed Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay Boosaaso ayaa sheegay in ay xiligaan muhiim tahay in laga wada tashado siyaasadda Soomaaliya sidaasna uu u tagay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Goblka Bari.

Warar kale ayaa sheegaya in sidoo kale kulankaasi  uu ka qayb galayo Madaxweynaha Galmudug ee Waqtigiisu dhamaaday Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo haatan ku sugan Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug isla markaana ka soo horjeestay dhismaha Galmudug ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya ka wado Dhuusamareeb.

Madaxwaynaha Puntland ayaa horay ugu sugnaa magaalada Boosaaso, iyadoona booqashada Axmed Madoobe maanta loo xiray waddooyinka waawayn ee magaalada Bosaso.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in magaalada Boosaaso uu ka furmi doono shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Puntland, Jubbaland Madaxweynaha Galmudug Xaaf, waxaa shirka looga hadli doonaa xaalada siyaasadeed ee dalka, iyadoo sanadkan 2020 uu dalka galayo xilli kala guur ah oo doorashooyin la galayo.

Shirka wadatashiga ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in laga yaabo in Puntland ku dhawaaqdo marti gelinta shir ballaaran oo ay ka soo qeyb galaan saamileyda siyaasadeed ee dalka oo looga hadlayo arimaha masiiriga ah ee dalka.

Marka laga soo tago Madaxweyne Maamulada Puntland, iyo Jubbaland oo Isbaheysi ah ayaa xilligan ah labada maamul ee si weyn uga soo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkeeda uga harsan yahay sanad.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064