GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxwenaha Maamulka Jubaland ayaa saaka gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntand.
Wafdiga Axmed Madoobe waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe iyadoo markaa kadib loo galbiyay madaxtooyada Puntland waxaana lagu wadaa inuu halkaasi kulamo kula qaato dhigiisa Puntland ee Saciid C/laahi Deni.
Sidoo kale Garowe waxaa la hadal hayaa inay dhawaan iyaguna tagi doonaan madaxda mucaaradka dhawaan la baxay samatabixinta kuwaasoo hogaamiye u doortay madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la soo sheegayaa inay ka hor shirka mucaaradka guud ay qorsheynayaan inay dhistaan isbahaydi iyaga u qaas ah
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
