KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Ahmed Mohamed islaam ayaa Galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulkaasi xili uu maalihii ugu danbeeyay safaro dalka dibadiisa ah ku maqnaaa.
Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maamulkaasi Jubaland,waxaa lagu wadaa inuu dhawaan Golaha Wasiirada u sharaxo socdaaladiisa uu ku soo kala bixiyay dalalka Kenya iyo Imaraadka.
Imaanshaha Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaysa xili maalmihii ugu danbeysay la hadal hayay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo si uu kulan halkaasi ula yeesho Hogaamiyaha Jubaland kadibna ay u xaliyaan khilaaka u dhexeeya.
Kulanka oo Jimcaha maanta lagu waday inuu dhaco waxaa muuqaneysa inuu dib u dhacay iyadoo wararka qaar sheegayaan in Isniinta loo balansan yahay kulankaasi,sidoo Axmed Madoobe wuxuu shalay Nairobi kaga qeybgalay kulan uu la lahaa Saciid Dani iyo madasha samatabixinta, waxayna ka soo saareen warsaxaaadeed ay ku shaaciyen inay soo jeedinayaan iney sameystaan isbahaysi ka dhan ah Dowlada.
Dhanka kale Isla maanta waxaa lagu wadaa inuu xarig jaro mashaariic laga hirgeliyay Kismaayo gaar ahaan gudaha Garoonka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


