Axmed Madoobe oo hal arrin uga digay mas’uuliyiinta Jubbaland

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay kulan gaar ah la qaatay agaasimeyaasha wasaaradaha maamulkaasi ayaa uga digay inay ku dhex milmaan siyaasadda dalka.

Axmed Madoobe ayaa agaasimeyaasha u sheegay in shaqadoodu aysan ahayn siyaasad, kaliyana looga baahan yahay inay adeegyada maamulka gaarsiiyaan shacabka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay agaasimeyaasha, isagoo ku dhiiri galiyey shaqada ballaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha kala duwan ee maamulkaasi, si loo helo iskaashi buuxa oo u dhexeeya dhammaan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland.

Valueimpression Placeholder

Ugu dambeyn wuxuu caranka ku dhuftay in wax badan laga qaban doono dhibaatooyinka hadda ka jira maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Digniinta Axmed ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhashay doorashadii ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064