HomeWarkiiAxmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika...

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Kismaayo, 04, Ogoosto, 2025-Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo booqasho ku yimid Jubaland.
Wafdiga, oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM, ayaa kulanka ay la qaateen Madaxweynaha waxaa diirada lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Intii uu kulanku socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada isku-tashiga ah ee Dowladda Jubaland ay ku xoreeynayso deegaanada kala duwan ee Jubaland iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee la xoreeyay, isaga oo xusay in Ciidamada Dowladda Jubaland ay ka muujiyeen waxqabad la taaban karo oo muhiim u ah nabadgalyada Soomaaliya.
DHAMMAAAD.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -