Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si cad ugu adkeystay codsiga in Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeyb galo shirka madasha mucaaradka ee lagu waday inuu bishan December ka dhaco magaalada Kismaayo.
Inkasta oo shirka Kismaayo uu horey u qorsheysnaa, haddana wuxuu hakad ku jiraa kadib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay diideen ka-qeybgalka shirka haddii uu madasha soo fariisto Madaxweyne Farmaajo siyaasiyiinta sida xooggan uga soo horjeeda arrintan waxaa ka mid ah
• Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
• Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre
• Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble
Kuwo badan oo mucaaradka ka tirsan ayaa weli la qancin la’ sida loo wajaho ka-qeybgalka Farmaajo iyo saameynta uu ku yeelan karo jihada siyaasadeed ee shirka.
Axmed Madoobe iyo Farmaajo – Isbeddelka Siyaasadeed
Intii uu Farmaajo xilka hayey xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed wuxuu ahaa mid aad u kacsanaa, iyadoo mararka qaar uu gaadhay heer dagaal siyaasadeed iyo mid militari oo ka dhex qarxay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Degaanada Jubbaland ayaa markaas wajahay cadaadis siyaasadeed iyo dagaal toos ah oo ka dhashay khilaafka labada dhinac.
Hase yeeshee maanta Madaxweyne Axmed ayaa muujinaya isbeddel siyaasadeed oo waayo-aragnimo ku dhisan, isagoo aqbalay in Farmaajo uu qeyb ka noqdo madasha mucaaradka.
Talaabadan ayuu ku muujinayaa biseyl siyaasadeed iyo awood uu uga gudbayo xanuunkii iyo khilaafkii hore ee Jubbaland kala dhexeeyay Farmaajo, taas oo dad badan u arkaan:
• Qaangaarnimo siyaasadeed
• Aragti fog oo ku wajahan mustaqbalka mucaaradka Soomaaliyeed
• Tusaale nabadeyn iyo isu-soo-dhoweyn siyaasadeed
Shirka Mucaaradka ee Kismaayo wuxuu hadda marayaa meel xasaasi ah oo uu saameyn ku leeyahay mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Go’aanka Jubbaland ee ku adkeysiga ka-qeybgalka Farmaajo wuxuu noqday mid xiisaddiisa leh, islamarkaana ay isha ku hayaan siyaasiyiin badan iyo bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa la sugayaa sida loola heshiin karo siyaasiyiinta diidan iyo in shirka Kismaayo uu noqon doono mid mideeya mucaaradka.
Jubbaland Media

Waxaa la sugayaa sida loola heshiin karo siyaasiyiinta diidan iyo in shirka Kismaayo uu noqon doono mid mideeya mucaaradka.’
XIGASHO:Jubbaland Media