Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta Madaxtooyada ee dalkiisa ku qaabilay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga Jabuuti.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubaland  Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada tariikhiga ah ee ay ku joogaan Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay tageerada dhinacyada kala duwan ah ee Dowladda Jabuuti ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada hormarka iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here