Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam (Madoobe) oo hadda kusugan magaalada muqdisho ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo kusaabsan xaalada Gobolka Gedo.

Kulamada ayaa waxay yihiin mid looga arinsanayo sidii xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gedo loo xakameyn lahaa xilli C/rashiid Janan & Senetor Fartaag ay kusugan yihiin maalmahaan Gobolkaasi.

Xogta laga ogaaday Axmed Madoobe ayaa ah in muqdisho uusan ka dhoofi doonin iyadoo uusan war cad ka helin Dawladda Federaalka islamarkaana ay gacanta dib ugu soo celin Jubbaland Gobolka Gedo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu qadka taleefoonka kula hadlay Taliyaha Cusub ee Nabad sugida Gedo loo magacaabay dhawaan Jamaal Xasan Tareey ayna isla meel dhigeen xasilinta Gobolkaasi iyo ka shaqeynta amniga deegaanada xorta ah

Ilo wareed kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Dawladda Dhexe Xasan Sheekh ugudbiyey cabashada Gobolka Gedo ay qabaan maadaama Dawladdii hore Nabad iyo Nolol ay malafka Gedo gacanta ku heysay ayna doonayaan in jubbaland dib loogu soo celiyo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka socda Xukuumada Dan Qaran ayaa ku wajahan Gobolka Gedo islamarkaana ay ergo ahaan utegayaan si Jubbaland mar kale loo hoos geeyo Gedo.

Xog kale ayaa tilmaameysa in maamul cusub loo magacaabi doono Gobolka Gedo oo hoostaga Dawlad Gobolleedka Jubbaland balse lama hubo in Buule Canjeex oo ah Gudoomiyaha Gedo xilligaan Dawladda dhexe sida uu u aqbali doono in Jubbaland la hoos geeyo gobolka maadaama Axmed Madoobe iyo maamulkiisa uu a arko mid aan mudneyn inay ka shaqeeyaan Gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here