Nairobi(dayniiile.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Jubaland  Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa maanta Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya wuxuu shir kula qaatay   Wakiilka Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.
labada masuul waxay isla soo qaadeen xaalada dalka gaar ahaan mida Jubaland waxaana kulanka goob joog ka ahaa

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Maamulka Jubaland  Cali Cabdi Mahad iyo Wakiilka Jubaland ee dalka Kenya Sadiiq Cabdullahi Bogaale.
Sidoo kale waxay soo hadal qaadeen tageerada Midowga Yurub ee arimaha Soomaaliya kuwaasoo dhaqaale badan ku bixiya dhinacyada siyaasada,dib u dhiska iyo amniga iyagoo wax ka bixiya dhaqaalaha ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala.
Madaxweynayaasha sedexda Maamul Goboleed ee Jubaland ,Puntland iyo Koonfur -gabeed ayaa maanta warbaahintu aad u hadal heysay markii la sheegay inay kulan qarsoodi ah ku yeesheen Nairobi iyagoo raba inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here