Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo diiradda lagu saaray qodobo ay kamid yihiin xoojinta amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, adkaynta isticmaalka taarikada rasmiga ah ee Jubaland, iyadoo la faray hay’adaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan gaadiidka aan wadan taarikada rasmiga ah, iyo qaadista tallaabooyin lagaga kahortagayo masiibooyinka ka dhalan kara fatahaadaha xilliyada roobabka.
Maamulka Junaland ayay si weyn isugu dhacsan yihiin Dowlada Somalia xili xitaa dagaalo dhex mareen dhowr mar iyagoona ilaa iminka leh furumo dagaal oo dhexdooda ah xili dhanka kalana ciidamada labaa dhnac wali sii wada shaqeeyaan.







