NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka hadlay shirii jara’id ee ay maanta warsaxafadeedka ku faafiyeen siyaasiyiinta Madasha samatabixinta ee mucaraadka ku ah Dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Xassan Sheekh.
Axmed Madoobe wuxuu daboolka ka qaaday inay soo dhaweynayaan go’aanada galabta ka soo baxay madasha samatabixinta kuwaasoo soo jeediyay in wadatashi guud laga yeesho jihada uu dalku ku socdo madaama xiligii kala guurka lagu dhaw yahay.
Axmed Madoobe oo kulamadii hore ee samatabixinta ka gaabsan jirey ayaa hada u muuqda inuu taageero u muujinayo madaama ay manta si gaar ah usoo jeediyeen in siyaasiyiinta Dowlada ucaaradsan lagala tashdo geedi u socodka dalka .
lama yaqaan sida Dowlada Somalia uga jawaabi doonto soo jeedinta madasha samata bixinta ee ku aadan in aayaha dalka iyo jidaha loo jeesanayo taladeeda wax laga siiyo maamul Goboleedyada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
