Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca hey’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland iyo kan shacabka reer Jubbaland, waxaan hambalyo waafi ah u diraya madaxda cusub ee dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo howsha culus ee loo igmaday.”

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shacabka iyo maamulka HirShabelle ku amaanay sidii nabadda aheyd ee doorashada ay ku qabsadeen, waxuuna kula dardaarmay inay sii xoojiyaan nabadda iyo dhismaha nidaamkooda dowladnimo.

 

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here