HomeWarkiiAxmed Madoobe oo xariga ka jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo...

Axmed Madoobe oo xariga ka jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland+SAWIRRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyey dadaalka naf-hurnimo leh ee ay wadaan hay’adda Nabadsugida iyo sirdoo ka Jubbaland JISA kuwaas oo ka shaqeynaya xoojinta amniga, horumarinta hay’adaha dowliga ah, iyo dhismaha awood dowladnimo oo waarta.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga mahadceliyey shaqada adag iyo hufnaanta uu muujiyey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland (JISA), Mudane Maxamed Axmed Sabriye, kaas oo muddo kooban oo uu xilka hayey ku guuleystay kordhinta heerka amniga guud, mideynta hay’adaha amniga, iyo abuurista kalsooni shacabka dhexdooda ah.

Hay’adda JISA ayaa noqotay tiir muhiim u ah sugidda amniga iyo ilaalinta danaha guud ee Jubaland, iyadoo si dhow ula shaqeysa hay’adaha kale ee amniga iyo bulshada rayidka ah.

Dadaallada ay hoggaaminayaan Agaasime Sabriye iyo kooxdiisu waxay noqdeen tusaale muuqda oo muujinaya isbedel dhab ah oo ku wajahan amni waara iyo dowladnimo xooggan oo ay yeelato Jubbaland.

“Waxaan maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland”ayuu yiri Axmed madoobe

“Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa hoggaanka Hay’adda JISA iyo dhammaan howlwadeenada kala duwan oo si hufan uga soo dhalaalay waajibaadkooda shaqo, muujiyayna dadaal, daacadnimo, iyo go’aan adag oo ku aaddan ilaalinta nabadda iyo horumarka Jubaland” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

May be an image of dais and weddingMay be an image of text that says "ENCE SECURIT OPENEDE BY AHME MOHAMEH MOHAMEI"May be an image of temple and MonticelloMay be an image of dais, newsroom, the Oval Office and textMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, the Oval Office and daisMay be an image of one or more people and suitMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, suit and newsroomMay be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of monumentMay be an image of one or more people and beardMay be an image of one or more people and daisNo photo description available.May be an image of the Oval OfficeMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of monumentNo photo description available.No photo description available.No photo description available.No photo description available.May be an image of textMay be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -