Taliye ku xigeenka labaad qeybta booliska gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamuud (Baryare) oo ka warbixiyey howl-gal laga fuliyey islamarkaasne ujeedkiisa uu ahaa sugida amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,, si looga hortago falalka amni darrada.

Baryare ayaa sheegay in ay la socdaan hub fara badan oo dhowaan la soo galiyey caasimadda, wuxuuna farriin u diray dadka iska leh hubkaas iyo saraakiisha dowladda.

‘Hubka xilliga uu soo galay magaalada waa bilo ka hor dadka watayna waa naqaanaa waxaan ka rabno waxaa waayey hubkaasi in uusan dadka iska leh uusan gurigooda kasoo bixin sifo sharci darro ah,” ayuu yiri Saciid Cali Maxamuud (Baryare).

Sidoo kale wuxuu intaasi raacyey “Haddii aad sarkaal tahay hubkaaga heysi boqol mar ayey dhacday qof dambi lagu soo qabtay uu hubkiisa yeesho sarkaal,”.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah, isla-markaana howl-gallo ballaaran laga sameynayo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Howl-galladan ayaa dhinaca kale daba socda amarkii ka soo baxay taliyaha Booliska oo faray hay’adaha amniga inay u howl-galaan sugida ammaanka, maadaama gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro qaraxyo, dilal & dhac loo geysanayo shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here