Baarlamaanka Galmudug oo cod Aqliviyad ah ku ansixiyey codsi kaga Yinid Madaxweyne Qoor Qoor

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka DGGM ahna kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Marwo Faadumo Cabdi Faandhe ayaa shir gudoomisay kulanka gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka DGG oo Ajandaha maantay looga doodayay uu ahaa mudo kordhintii 2aad ee Caleema-saarka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug,

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo Guddiga Joogtada ah ka horjeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa,

Madaxwayne Ku-xigeenka isaga oo wakiil ka ah madaxweyne Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayuu Xildhibaanada ka codsaday in loo kordhiyo mudada Caleema-saarka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Galmudug, isagoo sheegay in caleema-saarka dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka Covid19,

Gudiga Jooktada ah ee Baarlamaanka DGGM ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay Ajandihii Mudo kordhinta Caleemasaarka, iyagoo mudo 30 Maalmood ah ugu daray mudo kordhintii hore.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064