Kulan ay yeesheen Xubnaha Baarlamaanka Dalka Jarmalka ayay ku ansixiyeen sharcyo sahlaya qaadashada dhalashada dalkaasi taasoo ah talaabo farxad gelisay soo galootiga dalkaasi oo Soomaalidu ka mid yihiin.

Sharciyadaan cusub waxaa ka mida in 5 sano lagu qaadan karo dhalashada dalkaasi marka la eego dadka soo galootiga ah halka hore uu ahaa mudo 8 sano ah waqtiga qaxootigu ku qaadan karaan dhalashada Jarmalka.

Advertisement

Sharciga waxaa kale lagu ansixiyay in 3 sano xitaa lagu qaadan karo hadii qofku yaqaan xirfad dalkaasi muhiim ka ah iyo inuu mudadaasi ku Barto luuqada Jarmalka.

Sidoo kale waxaa ka mida sharciyada la meel mariyay in qofku heysan karo laba dhalasho halka markii hore ay danbi ka ahayd dalkaasi.

Xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn uga hor yimid iyagoo ku eedeeyay dowlada inay qiima tireyso baasaboorka jarmalka hadii soo galootiga lagu safo baasaboorka dalkooda.

Sidoo kale mucaaradku waxay xuseen in hadii sidaan la yeelo xitaa tasiilaadkii dalkaasi sare u kici doono xili xisbiyadaan mucaaradku hore u diidi jireen gabi ahaanba soo galootiga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleCiyaartoyda Hirshabelle iyo Gal-mudug oo Xalay loo kala sameeyay xaflado dhiiri-gelin ah
Next articleAqoon yahan ka shifay in National ID-ga Dowladu wado uusan dunida ka sharciyeysneyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here