HomeWarkiiBaarlamaanka oo maanta ansixiyay in 14-ka Oktobar loo aqoonsado maalin Qaran+SAWIRRO

Baarlamaanka oo maanta ansixiyay in 14-ka Oktobar loo aqoonsado maalin Qaran+SAWIRRO

Muqdisho-Soomaaliya 10, November, 2025:
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 7-aad kulankiisa 13-aad, waxaana guntanka ama kooramka kulanka maanta uu ku furmay 140-Xildhibaan.

Ugu horeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo ka hortaga afduubka ee sharci Lr.36 ee soo baxay 30-kii Bishii April sanadkii 1975-tii, waxaana Xildhibaanadda oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedkan ogolaatay 140-Xildhibaan, Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay midna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay Ajendaha ah Qaraarka Golaha ee ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalinta xasuuqa Qaran ee dhibanayaasha Argagixisada ee Soomaaliya, waxaana Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ka mid ah Xildhibaanadii mooshinka ama soo jeedinta arrintan soo diyaariyey uu golaha la wadaagay warbixinta doodii iyo aragtiyadii Xildhibaanadda hore uga dhiibteen.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday ayaa u codeeyey qaraarka ah in 14-ka October loo aqoonsado maalin Qaran, waxaana ogolaatay 137-Xildhibaan, waxaa diiday laba Xildhibaan, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

DHAMMAAD.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isaaq

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -