Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa maanta oo Arbaco ah mar kale balansan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal kadib kulankii sabtida oo buuq kaga dhamaaday.

Xildhibaanada labada aqal ayaa u balansan isla ajandshaasi islamarkaana sida ixtiraam la’aantaa loola dhaqmay Gudoonka.

Advertisement

Lama oga waxa u qorsheysan masuuliyiinta Baarlamaanka labadiisa Gudoon  marka loo eego xasaasiyada u leeyahay ajandahaan oo keenay in shirkii sabtidi lagu kala tago.

Ciidamo Booliis ah in gudaha shirka la keenayo iyo in xildhibaanada qaar laga qanciyay tabashadooda midey ahaataba shirka Saaka ayaa la arki doonaa Insha Allaah.

Si kastaba Ajandaha labada aqal hor yaal ayaa ah sidan:-

Akhrinta 1aad  Xisaab Xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka December 2022

2) -Xeerka Qoondaha Miisaaniyadda 2024

Goobta: Villa Hargeisa.

Wakhtiga 9:00 subaxnimo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDiyaarado Dagaal oo duqeun culus ka gaystay Jubaland.
Next articleHaweeney waayeel ahayd oo Toorey lagu dilay Laas-caanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here