Garowe (dayniiile.com)-Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka  Puntland ayaa beri subax waxay u balansan yihiin shirkii doraad la baajiyay kaasoo go’aan looga qaadanayo wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod.

Shirkaan iyo ajandihiisa ayaa waxaa hore uga digay mucaaradka Siciid Dani kuwaasoo ku hanjabay hadii shirkaasi qabsoomo wixii ka yimaada inuu masuul ka noqon doono Saciid Dani.

Advertisement

ka shaqaynta xeerka doorashooyinka ayaa baarlamaanku wuxuu u saaray gudi gaara kuwaasoo lagu wado inay xildhibaannada warbixintooda u jeediyaan, ka hor inta aysan bilaaban doodda wax-ka beddelka xeerka.

Dhanka kale wararka caawa laga helaayo Garowe ayaa sheegaya in dumar reer puntland ah  ay caawa dibad baxa ka hor sameeyen  Xarunta Madaxtooyada Puntland kuwaasoo diidan inuu qabsoomo shirka Baarlamaanka si dagaal looga baaqsado.

Dadkaan shacabka oo u badan Dumar ayaa sheegay inay ilaa bari subax joogi doonaan halkaasi inkastoo markij danbe uu Xildhibaan ree Puntland ah ku qanciyay haweenka inay xaafadahooda u hoydaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO VIDEO: Dowlada Somalia oo Mucaawino gaarsiisay maalintii labaad Baladweyne
Next articleDAAWO VIDEO: Saciid Dani iyo Isimada Puntland oo Caawa kulan ku qaatay madaxtooyada Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here