HomeWarkiiBaarlamaanka Puntland oo shaaciyay inay xilka ka qaadeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Baarlamaanka Puntland oo shaaciyay inay xilka ka qaadeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Baarlamaanka Puntland oo saaka fadhi yeeshay ayaa shaaciyay inay xilka ka qaadeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo xubin ka ahaa baarlamaankaasi islamarkaana soo noqday Gudoomiyaha Golahaaasi.

Baarlamaanka Puntland ayaa kulankooda saaka cod buuxa  ku meel-mariyay in Cabdirashiid Yuusuf Jibriil laga saaro golahaasi inkastoo masuulkaani maalin ka hor shirka Laas-caanood uga dhawaaqay inuu iska casilay xubinimada baarlamaanka Puntland.

Shirka Baarlamaanka Maamulka Puntland waxaa saaka goob joog ka ahaa 43 mudane waxaana ogolaaday xil ka qaadista 𝟯𝟴 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲, waxaa diiday 1 mudane halka ay ka aamuseen 4 mudane.

Si kastaba Kulanka waxaa shir gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland C/qaadir Axmed Saacid waxaana caawinayay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of ‎2 people, dais and ‎text that says "‎WASILLA WAKIILLA. الصو STATE HOUSE OF REPRESENTATIVE مجلس SOOMAALIYA لاند بوات موایه النواب LAND 休 EE AQALKA KΑ مسال صومال PUNTLAND 1+ ممهما く GuddoonkaSolahaWakillada Guddoonka Golaha Wakiillada PL‎"‎‎

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -