HomeWarkiiBaarlamaanka SSC Khaatumo oo go'aano ka qaatay is marin-waaga ka taagan xaalada...

Baarlamaanka SSC Khaatumo oo go’aano ka qaatay is marin-waaga ka taagan xaalada laas-caanood

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Xiisa siyaasadeed ee ka dhalatay shirka dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatuma oo wali  ka taagan Laascaanood islamarkaana Garaadka Beesha Dhul-bahanti uu si xad uga horyimid faragelinta Dowlada ayaa markooda ka hadlay baaraylamaanka Khaatumo.

Shirka ay xalay yeesheen Baarlamaanka SSC Khaatumo ayay ka soo saareen go’aamo ay ka mid yihiin inay taageerayaan shirka dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatumo,in Doorashada xilka ugu sareeya iyo hay’adaha kalaba ay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay si loo ilaaliyo kalsoonida bulshada iyo sharciya.

Shirkaan uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamac Yaasiin Warsame ayaa sidoo kale laga soo saaray in Golayaasha Dowlad Goboleedka oo waqtigu ka dhacay ay sii wataan shaqadooda ilaa iyo inta kuwo cusub laga soo dooranayo.

Shirka intii uu socday waxaa shirka ka baxay qaar ka mid ah xildhibaanada kuwaasoo diidanaa sida shirkaasi ku socday iyo go’aamada laga gaaray intaba.

Lama yaqaan xaalada kacsan sida ay ku danbeyn doonto iyadoo Khamiistiina lagu sigtay in isku dhac hubeysan uu laascaanood ka dhaco markii maleeshiyaad taageersan Axmed Karaash ay qabsadeen goobta loo qorsheeyay inuu ka dhaco shirka dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatuma.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -