HomeWarkiiBaarlamaanka Turkiga oo looga hadlay xiriirka kala dhexeeya Somalia ee dhanka iskaashiga...

Baarlamaanka Turkiga oo looga hadlay xiriirka kala dhexeeya Somalia ee dhanka iskaashiga amniga iyo Ganacsiga.

ANKARA (DAYNIILE.COM)-Baarlamaanka Dalka Turkey gaar ahaan Gudigooda arimaha dibada ayaa lagu soo hadal qaaday xiriirka iskaashiga amniga iyo ganacsiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka waxaa la soo sheegayaa in lagu sharaxay a saameyntiisa siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya gaar ahaana heshiiskii 2019-kii dhexmaray labada dal ee iskaashiga amniga walow mar  dhaw baarlamanka la hor geeyay si ay u meel mariyaan.

Turkida dhexdooda ayaa wax ka sheegay dhaqaalaha faraha badan ee Turkigu ku bixinaayo Somaliya iyadoo warbaahinta madaxa banaan ee turkida ay qaarkood sheegeen in shirkado iyo shaqsiyaad u dhaw madaxweyne Ordogan lagu naas-nuujiyo dhaqaalaha Afrika kaga baxa Turkida gaar ahaan Soomaaliya.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo lagu magacaabo Nuh Yılmaz, ayaa mar uu ka hadlayay xiriirka labada dal wuxuu carabka ku dhuftay inuu ku saleysan yahay istaraatiijiyad fog oo ku dhisan amni iyo ganacsi.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda arimaha dibada Turkey ayaa mar uu ka hadlayay dhaqaalaha Turkey kaga baxay Somalia tan iyo 2011-kii ay dhaaftay $1 bilyan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -