HomeWarkiiBajaajle Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Bajaajle Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Darawal Moota Bajaaj waday ayaa la soo sheegayaa in caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Deyniile Waaxda Barwaaqo kadib markii rasaas lala dhacay.

Sida aan xogta ku helnay Ciidamo Dowlada ka tirsanaa oo xurguf ay ka dhaxeysay dagaashanaa ayuu ku soo dhex dhacay ninka Bajaajlaha ahaa waxaana markiiba ku dhacday rasaas ay rideen ciidamada halkaasi ayuuna ku dhintay.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada askari ee ku eedeysan dilka bajaajlaha inay goobta ka baxsadeen markii ay ogaadeen inuu geeriyooday si ay uga baxsadaan gacana laamaha amaanka Degmada Dayniile.
Tan iyo 3 sano ee u danbeysay oo Dowlada Xasan Sheekh shaqeyneysay waxaa yaraaday oo inta badan reer Muqdisho ka nasteen dilalka macna darada ah sida kan caawa Bajaajlaha lagu dilay oo kale.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -