Baladweyne (dayniiile.com)-Waxaa shalay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Maxamuud Macalim Cabdulle iyo ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha arrimaha beni’aadannimada George Conwey.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/laahi Sufurow ayaa kaga hortagay garoonka Ugaas Khaliif ee Baladweyne halkaasoo uu si weyn ugu soo dhaweeyay isaga iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa wafdigaan qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyagoo ka wada hadlay xaaladda Magaalada Baladweyne iyo cabsida laga qabo fatahaado uu sameeyo wabiga xili dhawaann Baladweyne lagu xiray qalabka sheega fatahaada markey soo dhawdahay.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxay isla gorfeeyeen u diyaar garowga digniinaha xalaada El-Niño oo laga casi qabo inuu wato Fatahaado iyo daadad culus.
Wafdigaan waxay sidoo kale booqdeen wabiga iyo guud ahaan goobaha biyamareenada ah,sidoo kale waxay booqdeen xarumaha ay ku nool yihiin dadkii ka kabaracay cabsida ay ka qabaan wabiga.
XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM.