Kumanàan Dibad baxayaal ah ayaa isugu soo baxay Magaalada Muqdisho kuwaasoo wata boorar ay ku xardhan yihiin qoraalo kala duwan kuwaasoo ay ku cabirayaan ujeedka isu soo baxoooda.

Dadweynahaan ayaa hada ku sugan Barxada Daljirka Dahaoon ee Muqdisho waxayna taageerayaan ciidamada Xoogga Dalka dagaalka ay Alshabaab kula jiraan.

Advertisement

Waxaa socda khudbado ay jeedinayaan masuuliyiin ka tirsan Dowlada,waxaana lagu wadaa in madax sare ay ka qeybgalaan kana khudbeeyaan banaan baxaani wali galabnimadaan ka sii socda daljirka.

Isu soo baxaan oo lagu dhiiri gelinaayo ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Soomaaliya uu isna Galabta soo gaaray Magaalada Maxaas arimo ku saabsan hogaaminta Dagaalka Al-shabaab lagula jiro.

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM

MOGADISHU-SOMALIA

Previous articleQiimaha dollarka oo hoos u dhacay suuqa madow
Next articleRa’iisul Wasaare Ku-xigeenka “Khawaarijta gabbalkoodii wuu dhacay, waana laga adkaan doonaa wakhti dhaw”+SAWIRRO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here