JOHANNESBURG (DAYNIILE.COM)-Banaan-bax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya  ayaa ka dhacay Dalka Koonfur Afrika.

Isu soo baxaan waxaa dhigay Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Koonfur Afrika ,waxayna wataan boorar ay ku xardhan yihiin Badaeenu iib maaha.

Advertisement

Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Koonfur Afrika iyo masuuliyin kale ayaa hadalo ka jeediyeen isu soo baxa maanta ka dhacay Magaalooyin ay ka mid tahay Johannesburg.

Shariif Maxamed Wahliye oo ka mida dadkii hadalada ka jeediyay isu soo baxa ayaa sheegay ineysan marna aqbali karin oo ay dagaal ka xigaan in dhulka Somaliyeed Itoobiya soo damaaciso.

“Cid aan u ogolnahay majirto in dhulkeena ay xoog ku qaadato, diyaar waxaan u nahay in aan difaacano”.ayuu yiri Shariif Maxamed Wehliye.

Sidoo kale Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliyeed ee Dalka Konfur Afrika  Maxamed Cumar Talyaani ayaa banaan baxa ka sheegay inay dhaqaale iyo xoog-ba diyaar u yihiin inay dalkooda ku difaacdaan oo xitaa hub aysan uga baahneyn dowlada  Somalia isla markaana  ay iman doonaan iyagoo hubeysan.

“Dowladda Koonfur Afrika waxaan u gudbinay warqad aan ku muujineyno dareenkeena iyo sida aan uga soo horjeedno damaca dowladda Itoobiya”.ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Koonfur Afrika.

Si kastaba banaanbaxa halkaan ka daawo muuqaal aan ka soo xiganay Tv-ga Qaranka:-

 

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE. COM

Previous articleMaxaa kala socotaa sababta uu isku casilay Wasiirka arimaha dibada Itoobiya
Next articleWaqtigii Ciyaarta Fiinaalka Hirshabelle iyo Galmudug  oo wax laga badalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here