MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Kumanaan shacaba ayaa saaka isugu soo baxay Magaalada Muqdiasho iyagoo ugu danbeyn isugu tagay garoonka ciyaaraha ee EX Koonis oo hada loo bixiyay Eng,Yariisow Stadium kaasoo ku yaal Degmada C/casiis.

Shacabka oo dareenkoda ku muujiyay in dhul Soomaaliyeed la boobi karin ayna diyaar u yihiin inay dalkooda difacdaan.

Advertisement

Masuuliyiinta ka hadashay Banaanbaxa waxaa ka mida Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuuuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Duqa Muqdisho wuxu sheegay in Muuse Biixi waqtigiisii dhaamaday lagana sugaayay inuu doorasho qabto.

“shacabku waxay kaa sugayeen inaad doorasho qabato ee kaama sugeyn inaad baddooda iibsato”ayuu yiri Duq Magaalada Muqdisho oo banaanbaxa ka hadlaayay xili warkiisuna ku socday Muuse Biixi.

Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu amaanay shacanka reer Somaliland sida ay uga fal celiyeen shalay markeey maqleen talaabada uu qaaday Muuse  biixi.

“nafeetanaan u hureynaa maalkenaan u hureynaa mana ogolin in lagu xadgudbo dhulka Soomaaliyeed”ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa isna hadalo ka jeediyay banaanbaxa isagoo ku amaanay shacabka inay muujiyeen isku xirnaantooda iyo isku xirnaanta hantida Somaliyeed.

“Abiy Axmed wuxuu u soo bareeray ku xad-gudubka hantida iyo qaranimada Soomaaliyeed mana ka aqbaleyno”ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha

Wasiir Axmed Macalin Fiqi wuxuu sharaxay in Itoobiya uu mushkilado badan ku furey Abiy Axmed ,sidoo kalana ay dhiig iska daadinayaan Oromada uu ka dhashay ,sidaas daraadeedna uu doonayo inuu dadka Itoobiya ku mashquuliyo talaabadaan uu qaaday.

“Itoobiya hore ayay marar badan xoog isku dayday inay ku qabsato Soomaaliya, laakiin shacabka soomaaliyeed ayaa iska dhiciyeen, hada ma ma wuxuu xoog ku waayay ayuu saxiix ku rabaa”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi

“Abiy Axmed waxaan leenahay waa lagu soo qalday,waana la soo sirey waxaana leenahay dadka Soomaaliyeed maaha dad hantidooda la boobi karo”ayuu mar kale yiri

Wasiir Fiqi wuxuu amaan kala dul dhacay shacabka reer Somaliland oo shalay dareenkooda ku muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin inay hantidooda difaacdan.|

“Allaahu Akbar Allaahu Akbar dhamaanteen waxaa noo balan ah difaaca dalka”ayuu yiri Wasiir Fiqi

Ku simaha wasiirka amniga ayaa isna ka hadlay wuxuuna sheegay inay Soomaalidu marna aqbalayn in taako dhulkooda ka mida la qaato.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleMaxamed Mursal Sh. C/raxman “Damaca Itoobiya saameyn xun buu yeelan doona nabada Gobolka “
Next articleSedex Musharax oo isku haya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here