HomeWarkiiBanaan bax rabshado wato oo maanta Muqdisho ka dhacay

Banaan bax rabshado wato oo maanta Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Banaan bax weyn oo ah mid rabasha wata ayaa maanta Muqdisho ka dhigeen darwalada mootooyinka labada lugood leh kuwaasoo Magaalada aad ugu soo batay.

Dhalinyaradaan oo careysan ayaa xirtay isgoyska KM4 iyagoona halkaasi ku hubay taayarada lugaha gaadiidka xili ciidamada Dowlada ay isku dayayeen inay xoog ku maraan wadada iyagoo hub isticmalaya.

Mararka qaar waxaa la arkayay muuqaalo laga soo duubay banaan baxayaasha oo dhagxaan ku tuuraya gaadiidka ee gaara isgoyska KM4 halka askartuma rasaas huwinaayaan.

Qaar ka mida banaan baxayaasha oo wariyayaasha la hadlay ayaa sheegay inay si gaar ah dacwo ugu qabaan ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugida kuwaasoo sida ay sheegeen ay ka shaqeysan waayeen.

Lama yaqaan waxay Dowladu ku xalin doonto  banaan baxayaashaan oo diyaar u ah inay natooda u huraan sidii rabshadaha u wadi lahaayeen ilaa Dowladu ka damaanad qaadeyso inaan shaqadooda lagu arbushin.

XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -