LAASCAANOOD (DAYNIILE.COM)-Shacabka Magaalaada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka Waqooyi-beri ayaa maanta isugu soo baxay dibad bax balaaran oo ay uga soo horjeedaan duulaanka Yuhuudu ku soo qaaday madax banaanida iyo wada-jirka Soomaaliya.
Boqolaal shacab ayaa isugu yimdi fagaare ku yaal bartamaha Magaalada Laas-caanood halkaasoo ay ku muujiyeen sida ay u diyaarka ugu yihiin inay difaacaan midnimada ummada Soomaaliyeed,shacabku waxay wateen calamada Soomaaliya iyo kan maaul Goboleedka Waqooyi bari Somalia.
Masuukiyiin iyo qaar ka mid ah bulshada ayaa khud-bado ka jeediyay taasoo la xiriirtay sida ay u diidan yihiin damaca guracan ee israa’iil.








