NAIROBI (DAYNIILE.COM)- War ka soo baxay abaabulayaasha dibad-baxyada Kenya ayaa ku hanjabay ku hanjabay inay weerari doonaan guryaha guud ahaan xarumaha Dowlada gaar ahaana guryaha ay degan yihiin Xildhibaanada.
Abaabulayaasha waxay shaaciyeen inay geli doonaan oo bartilmaameedsan doonaan guryaha xildhibaanada balse waxay intasi ku dareen inaysan gubeyn guryaha xildhibaanada sidoo kalana aysan dhibaato nafeed geysan doonin.
Abaabulayaasha kaliya waxay sheegteen inay guryaha xildhibaanada ka cuni doonan waxa raashin yaal oo dhan.
“waxaan rabnaa xildhibaanada madaama ay iyaga meel mariyeen sharcigii canshuur kordhinta inaan dareensiino baahida shacabka ay geliyeen sidaas daraadeed waan cuneynaa cunta kasta oo aan ugu tagno guryaha xiidhibaanada”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay banaan bax dhigayaasha oo lagu xanto inay yihiin badankood ku heyb yihiin madaxweyne xigeenkii dhawaan xilka laga qaaday oo asal ahaan ka soo jeeda beesha Kukuuyaha oo ah reerka Madaxweynihii hre ee Uhuru Kenyata.
21-KA bishaan ayaa loo balansan yahay inay isu soo baxayaasha mar kale wacdaro ka dhigaan Nairobi iyo magaalooyinka kale,waxay saxaaada u sheegeen inaysan dab danbe ku qaban doonaan goobaha ganacsiga.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
