NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa gabi ahaanba si degdeg ah u xirmay maanta guud ahaan ganacsigii iyo isku socodkii gaadiidka iyo dadka bartamaha Magaalada Nairobi kadib banaan baxyo rabshado wata oo goor dhaw ka bilowday Nairobi.
Banaan-baxayaasha ayaa ka careysan macalin baraha bulshada caan ka ahaa oo dhawaan booliiska Nairobi xireen balse ku dhex dhintay Xabsiga,waxayna dalbanayaan isu soo baxayaashu in cadaalad uu helo macalinka islamarkaana la cadeeyo sababta geeridiisa walow Dowladu dhawaan u xirtay kiismaasi saraakiil booliis.
Isu soo baxayaasha iyo Booliiska ayaa la arkayaa iyagoo isku eryanaya bartamaha magaalada Nairobi xili isu soo baxayaashu si gubayaan taayaro kuwaasoo holcaya.
Dhanka kale isu soo baxayaasha waxay shaaciyeen inay 25-ka bishaan dhigi doonaan banaanbaxyo kuwaan ka waaeyn iyagoo ugu baaqay shacabka inay maalintaasi guryaha ka soo baxaan islamarkaana shaqo iyo howl kalana aan la qaban si ay dareenkooda u wada muujiyaan ilaa u cadaalad ka helayo macalinka xabsiga ku dhintay.
Macalinkaan oo baraha bulshada laga yaqaanay ayaa la sheegayaa inuu dhaliili jirey siyaasada madaxda Dowlada Kenya waana tan keentay tuhunka ah in macalinka la dilay oo uusan si kale u dhiman.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM