HomeWarkiiBanaan-baxyo waa weyn oo maanta ka dhacaya Kenya iyo Booliis badan oo...

Banaan-baxyo waa weyn oo maanta ka dhacaya Kenya iyo Booliis badan oo lagu soo daadiyay wadooyinka iyo xarumaha muhiimka ah

May be an image of text that says "PARIANET CITY HALL CITYHALL WAI CITYHALLWA CITYHALL WAY POLICE PC"NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta oo ah Talaado ah 7-7-2026 ka dhacaya Magaalooyinka waa weyn ee Daka Kenya banaan baxyo waa weyn  ay dhigayaan dad shacab ah oo ku kacsan Dowlada kuwaasoo xusa sanad kasta maanta oo kale iyagoona ula baxay Saba Saba oo macnaheedu yahay todoba todoba islamarkaana ay ula jeedaan 7 bisha 7 ee  Julaayo.

Banaan baxaan asalkiisii wuxuu ku bilowday sida ay shacabku u diidan yihiin canshuurta dheeraadka ah ee Dowladu dalka Kenya ku soo rogtay sanadkii 2024-kii, wixii markaas ka danbeeyay sanad kasta oo maanta kale way xusaan isu soo baxayaasha qaab beleed u abaabulan.

Saaka waxaa Magaalada Nairooi lagu arkay Booliis badan oo wadooyinka dhiganaya bar koontaroolo ay rabaan inay ku yareeyaan dhaq dhaqaaqyada isu soo baxayaasha oo caan ku ah dhaca tukaamada iyo boobka wixii hanti ay arkaan.

Booliska ayaa sugaya banaan baxa xoogiisa madaama ay tahay subax walina dhaq dhqaaqyadu yar yihin ,kooxaha dhiga banaan baxaya xoogooda waa duhuradii iyo wixii ka danbeeya ilaa galabta.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Xarunta Baarlamaanka Kenya iyo wadooyinka soo gala lagu xiray silig qodxo leh madaama isu soo baxayaashii ugu badnaa 2024-kii lau dilay xaruntaan markii ay xoog ku galeen.

Sidoo kale Warbaahinada qaar ayaa tabinaya Maanta oo 7-da Luulyo ah ayaa ku beegan sannad-guuradii 36-aad ee dibadbaxyadii taariikhiga ahaa ee Saba Saba,isu soo baxayaasha waxay hore ugu qasbeen Dowlada Kenya inay ka guurto nidaamkii hal xisbi ee xukunka dalka hayay.

36 sano ka hor ayay soo bilaabatay in shacabka Kenya sanad kasta todoba todoba isku soo baxaan 7-bisha 7 ee julaayo, qolo kasta ama xisi kasta oo markaas aan xukunka heyn ayaa banaan baxooda waxay ku muujiyaan waxay ku diidan yihin qoloda markaas xukunka heysa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -