Banaan-bixii weynee ee mudaba qaban qaabadiisa iyo cabsida laga qabo ay soo socotay ayaa saaka ka bilowday Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya xili ganacigii xoogiisa uu istaagay madaama ganacsatada ay u baqeen hantidooda.
Booliiska oo wata qalabkii ka hor taga banaan-baxyada ayaa la tacaalaya sidii ay uga hor tagi lahaayeen isu soo baxayaasha oo warar baraha bulshada la soo geliyay lagu faafiyay inay xoog ku geli doonan madaxtooyada islamarkaana xukunka ka tuuri doonaan Madaxweynaha.
Kumanaan-ka kun oo ee isugu soo baxay waddooyinka dalka Kenya ayaa la sheegay inay sidoo kale xusayaan sanad ka dib markii ay dadku ku soo qulquleen baarlamaanka dalka Kenya oo ay ka dhacayeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.
Ugu yaraan 60 qof ayaa sanadkii hore waxaa dilay ciidamada amaanka todobaadyo ay socdeen dibadbaxyo ka dhashay canshuur kordhin iyo xaalada dhaqaale xumo ee soo wajahday dhalinyarada Kenya, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda.
Arbacadii, dadka u dhaqdhaqaaqa iyo qoysaska dhibanayaasha ayaa ku baaqay mudaaharaad nabadeed oo lagu xusayo sannad-guurada maalintii ugu dhimashada badnayd ee rabshadaha.