MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararii ugu danbeeyay ee aan ka helnay Gudigii Odayaasha ee Mucaaradka kala hadlayay joojinta banaan baxaya ayaa sheegaya inay ku guuleysteen arintaasi islamarkaana banaan baxa dib loo dhigay mudo asbuuc ah.
Dowlada Somalia oo wada kasta u martay gaar ahaan dhanka Odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay joojinta banaan bixii beri qabsoomi lahaa sida aan xogta ku helnay, Imaam Maxamauud iyo Ugaas Maxamudu Cali Ugaas iyo Ganacsade ku heyb ah Shariif oo lagu magacaabo Ibraahin Kaah ayaa ku qanciyay Shariif Sheekh Axmed in dib loo dhigo isu soo baxa.
Dowlada Somalia ayaa guddiga dhexdhexaadinta waxay u cadeeyeen mowqifkooda ah in Dowladu ogashahay in cid kasta ay cabashadeeda ku soo bandhigi karto banaan bax si nabad ah ku dhaca laakiin Dowladu waxay shuruud ku xirtay in waqti loo baahan yahay si labada dhinac mucaaradka iyo Dowlada la iskula garto waqtiga iyo goobta si Dowladu ugu sahlanaato inay sugto amniga shacabka isku soo baxaya.
Gudiga waxaa la faray sidoo kale inay mucaaradka gaarsiiyaan in Dowladu marnaba aqbali karin in banaan baxa ay ka soo qeybgalaan oo ay mamnuuc tahay ciidan iyo gaadiid dagaal oo hub saaran yahay wayna gaarsiiyeen sida xogta aan ku helnay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay hada shir wada jir u qabanayaan Odayaashii xalinta ku jiray iyo qaar ka mid ah madaxda Mucaaradka si ay warbaahinta ugu sheegaan inuu baaqday banaan bixii beri loo balansaa islamarkaana dadkii isu diyaarinayay banaan baxa ay sidaas ula socdaan.
XAFIISKA WARARAKAÂ SIYAASADA
DAYNIILE.COM
