BOORAME (DAYNIILE.COM)-Shacabka Magaalada Boorama ee xaruunta gobolka Awdal ee dhulka Maamulka Somaliland ayaa xalay waxay dhigeen dibad baxyo rabshada wata kaasoo keenay dhimashada 1 ruux iyo dhaawaca 10 kale kadib markii Booliiska iyo shacabku iska hor imaadeen.
Banaan baxa ayaa markii ugu horeysay ka dhashay kadib markii Maamulka uu fasaxay qabashada Xaflad lagu soo bandhigayo buug ka hadlaya Xeerka Ciisaha,waxayna shacabku laamiyada ku gubeen taayaro.
Sidoo kale isu soo baxayaasha oo dhalinyaro u badnaa ayaa weeraro xarumo uu ka mid yahay Banka dhexe,sidoo kale waxay xireen wadooyinka laamiyada qaarkood taasoo keentay inuu xirmo isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Banaan-baxa inkastoo uu diidmo Xeer Ciise ku bilowday hadana wuxuu hada isu badalay taageero shacabku u muujiyeen Maamulka Awadl State oo ka madax banaan maamulka Somaliland xili mar kasta oo shacabka Awadal State is abaabulaan waxay aad uga careysiisaa Maamulka Somalialand madaama magacaasi xanbaarsan midnimada Somaliweyn tiiyoo ay u sii dheer tahay inay shacabku la soo baxaan calanka Somalia.
Dhalinyarada qaarkood waxay muuqaalada qaar soo qabteen iyagoo calanka u gaar ah reer Awadal State suraya biraha dheedheer ee lagu xardho xayaysiinta ganacsiyada.
Dhanka kale Maamulka Gobolka Awadl wali wax war ah maysan siin warbaahinta kaasoo ay kaga hadlayaan dhibaatooyinka ka taagan Gobolka oo gaartay in ciidamadu taagtaan shacabka qaarkood iyadoo wararka qaar sheegayaan in dhimashadu hal ruux ka badan tahay oo ilaa 3 ruux ay gaartay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
