LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Banaan-bax kumanaan dadweyne ah ay ka soo qeybgaleen ayaa caawa ku qabsoomay bartamaha Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka Waqooyi Bari Somalia ahna xarunta Gobolka Sool.
Isu soo baxaan waxaa lagu taageerayay madax banaanida, midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacabka waxay isugu soo urureen fagaaraha taallada loo yaqaan Shuhadada oo ku taalla bartamaha Laas-caanood.
Shacabka ayaa muujiyay sida ay mar kasta uga soo horjeedaan dhinacyada ka shaqeynaya kala goynta dalka,waxayna sidoo kale isu soo baxayaashu muujiyeen taageerida isku heynta Somali weyn.
Dhalionyarada iyo Fanaaniinta ka tagay Muqdisho ee Laas-caanood uga qeygalaya caleema saarka ayaa soo abaabulay banaan baxaan weyn ee caawa sida weyn loogala socdo Somalia iyo dunida inteeda kale gaar ahaan meel kasta oo Soomaali jogto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM





DAYNIILE.COM






