HomeWarkiiBanaanbaxyo waawayn oo ka socda Dalka Kenya looga soo hor jeedo Dowlada...

Banaanbaxyo waawayn oo ka socda Dalka Kenya looga soo hor jeedo Dowlada Madaxweynaha Kenya Sawiro

 

Waxaa dalka Kenya  ka socda banaanbaxyo waawayn oo looga soo hor jeedo Dowlada madaxweyne Wilyam Ruttuy.

Markasta oo ay dhacaan banaanbaxyada noocaan ah, waxaa soo noq-noqda dhacdooyin lagu bartilmaameedsado ganacsiyada ay Soomaalidu ku leeyihiin bartamaha magaalada Nairobi.

Horey ayaa dhowr jeer loo jabiyay tukaamo ay Soomaalidu leeyihiin, arrintaasoo walaac weyn ku haysa bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Shalay muuqaal laga duubay bartamaha Nairobi ayaa muujinayay qaar kamid ah ganacsatada oo alaabtooda ka daad-gureynaya tukaamadooda, si ay uga hortagaan khasaare suurtagal ah oo ka dhalan kara rabshadaha la filayo.

Sidoo kale, toddobaadkan baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaal uu iska soo duubay wiil dhalinyaro ah oo Kenyan ah, kaasoo sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya uu wado abaabul dhalinyaro badan ah oo lagu doonayo in lagu weeraro xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Wararka la isla dhex-marayo ayaa waxay sheegayaan in ujeedku yahay bililiqeysi iyo waxyeello loo geysto hantida dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Sidoo kale  wiil Soomaali ah  ayaa uu ku dhintay mudaharaadyadii dhacay 25-kii bishii hore, taasoo cabsi horleh ku abuurtay bulshada Soomaalida ee Kenya.

Guud ahaan Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa gubanaysa Xiligaan, waxaana Wadooyinka laga soo Galo xaafada islii laga celin ayaa Banaanbaxayaasha oo rabaan in ay dhacaan Dukaamada waawayn ee xaafada Somalida dagto ee islii.

SABA SABA  banaanbaxaan ayaa la qabtaa ama  bilaababay 1990kii 35 sano ka hor Xiligaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Moi.

Nairobi Office Dayniile.com

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -