Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa ka dhaqan galay Bandow ay kusoo rogeen Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta DG Galmudug & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda si loo adkeeyo nabadgalyada Magaaladaan Xeebta leh.
Dadka Magaalada Xarardheere waxaa laga joojiyay isu socodka Xilliyada Habeenkii ah waxaana Magaaladaas laga xiraa waddooyinka gala si aanay u gudbin Gaadiidka iyo dadka la socda sida ay shabakadda dayniile u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Saraakiil katirsan DG Galmudug ayaa sheegay in muddooyinkii dambe Xarardheere ay dib ugu laabanayeen qoysas ka barakacay kahor inta aysan gelin Ciidamada iskaashanaya kaddib markii ‘AS’ Ku qasabtay in ay isaga baxaan Magaaladaas.
Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda Federaalka iyo kuwa DG Galmudug ayaa baaris hubin ah marinaya Gaadiidka u gudbaya Gudaha Magaalada Xarardheere oo intooda badan ay la socdaan dadka dib ugu laabanaya guryahooda.
Xuseen Cabdulle Xasan waa Wasiirkii hore ee Dhalinyarada & Cayaaraha DG Galmudug isaga oo ku sugan Magaalada Xarardheere waxa uu tallaabadaan ku sheegay mid lagu adkeynayo amniga laguna hubinayo Dadka dib usoo laabanaya.
Ciidamada iskaashanaya ee Federaalka & DG Galmudug ayuu sheegay in si heer sare ah ay uga feejigan yihiin in ‘AS’ dib ugu laabtaan Xarardheere ama u weeraraan si looga hortagana loo qaaday tallaabooyin muhiim ah waa sida uu hadalka u dhigay.
Degmada Xarardheere waxa ay kamid tahay Degmooyinka ‘AS’ laga qabsaday waxa ay maamulayeen muddo 15 sano ah, saraakiil katirsan Dowladda Federaalka iyo DG Galmudug ayaa magaaladaan ku sheegay in ay tahay mid xeeb leh oo muhiim ah.